Tababare Antonio Conte ayaa saxaafadda u xaqiijiyay waqtiga ay jamaahiirta Chelsea garoonka ku arki doonaan saxiixooda cusub Alvaro Morata kaas oo aduun dhan 65 Malyan oo Pound kaga soo biiray dhanka Real Madrid.
Xidigii hore Juventus ayaa diyaar u ah inuu iftiimiyo waayahiisa Blues, safar dheer kadib wuxuu gaaray xidigaan Singpore halkaas oo uu shalay markii ugu horeysay kula kulmay saaxiibadiisa cusub ee Blues.
Sida la xaqiijiyay Alvaro Morata wuxuu ciyaaari doonaa kulanka berri oo talaado ah ay kooxdiisa la ciyaareyso Bayern Munich.
“Waa qorshaheyga inaan siiyo suuragalnimada uu uga qeyb noqdo kulankaas” ayuu yiri Antonio Conte mar wax laga weydiiyay arimaha ciyaariyahanka reer Spain.
“Waxaan doonayaa inaan siiyo fursad uu qeyb ka mid ah kulanka ku ciyaaro. kuma soo bilaaban doono madama uu shalay yimid” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhanka kale Antonio Conte ayaa wax laga weydiiyay tayada iyo waaya aragnimada uu leeyahay xidigaan da’da yar ee 24-jirka ah.
“Waa ciyaariyahan yar, balse helay qibrad badan waayahiisa kubadda cagta”
“Wuxuu u ciyaaray kooxo waaweyn – sida Real Madrid, wuxuuna ciyaaray kulamo waaweyn oo Champions League ah”
“Waxaan rajeynaa inuu saameyn fiican ku yeesho horyaalka Premier League”


0 Comments